Jurgen Klopp oo farriin u diray qof walba ee Liverpool ah kahor kulanka Manchester City

(Liverpool) 08 Nof 2019. Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ka codsaday qof walba ee Liverpool ah inuu xaalad wanaagsan ku jiro inta lagu gudi jiro kulanka Manchester City ee Axada ka dhici doono garoonka Anfield.

Indhaha taageerayaasha kubadda cagta Yurub guud ahaan, gaar ahaan kuwa England ayaa ku sii jeeda garoonka Anfeld fiidnimada habeenka Axada soo aadan, si ay ula socdaan ciyaarta dhex mari doonto kooxaha Liverpool iyo Man City ee ka tirsan kulamada 12-aad horyaalka Premier League.

Haddaba Jurgen Klopp oo ka hadlayay kulanka adag ay kula ciyaari doonaan kooxda Manchester City horyaalka Premier League Axada soo aadan ayaa wuxuu yiri:

“Waa inaan bixinaa qaab ciyaareedkeena ugu fiican inta lagu gudi jiro kulanka Manchester City, qof walba oo garoonka ku jira waa inuu ku jiraa xaalada ugu fiican, taasi waa waxa aan rajeynayo inay dhacdo”.

“Haddii aadan geesinimo ku hor sameynin Manchester City, fursad ma heli doonin waadna ku guuldareysan doontaa ciyaarta, waa inaad ku jirtaa xaalad wanaagsan, kulankan waa mid xiiso badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close