Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

(Muqdisho) 08 Nof 2019. Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC vs Muqdisho City Club iyo Elman FC vs  Dekedda FC, ciyaaraha ayaa ka kala dhici doona garoomada kala ah Jaamacadaha Stadium iyo Eng Yariisoow Stadium.

Garoonka Jaamacadaha ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka General Daa’uud kal ciyaareedkan waana ciyaarta dhaxmari doonta  kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club.

XAQIIQDA KULANKAN:-

Kooxda Horseed FC ayaa kulankan wuxuu u yahay mid guul ama geeri ah taas oo aan kala jeedno inay u furan tahay labo wado oo kala ah  in ay kala dirto wiilasha Muqdisho City Club oo ay ka adkaato ama in ay barbaro  ka hesho kooxdan, iyadoo ku xisaabtameysa kooxda Elman oo la dheeleysa Naadiga la dhaala dhaceysa guuldarrooyinka ee Dekedda,  waxayna u baahan tahay Horseed in ay xaqiijiso u soo bixintaanka wareegga xiga ee tartanka General Daa’uud.

Horseed waxay iminka leedahay afar dhibcood, halka naadiga Muqdisho City Club goor hore ay xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga koobka General Daa’uud fasal ciyaareedkan, laakiin sheekada waxay ka taagan tahay kaalinta koowaad, haddii kulankan ay Horseed ka adkaato Muqdisho City Club waxay hoggaanka u qaban doonta Guruubkan B iyadoo lahaan doonta 7- dhibcood halka Muqdisho City Club ay kaalinta labaad ugu soo bixi doonto 6-dhibcood, balse haddii Muqdisho City Club ay badiso ama ay barbaro gasho iyada ayaa kaalinta koowad ku soo bixi doonta.

Guruubkan B waxaa ku jiray illaa afar kooxood oo kala ah; Dekedda FC , Elman FC, Muqdisho City Club iyo Horseed FC, waxaa si rasmi ah isaga haray tartankan kooxda Dekedda FC, waxaana raaci doona midkood Horseed iyo Elman FC.

Elman waxa ay leedhahay 1-dhibic waxayna kulankeeda ugu dambeeya la dheeli doonta Dekedda, haddii ay ka soo adkaato Dekedda waliba goolal saadex kor u dhaafay ku disho Dekedda, Horseed na laga adkaato waxay taas noqonaysa in Elman soo bixi doonto Horseedna hari doonto, laakiin Horseed oo ka adkaato Muqdisho City Club ama barbaro la gasho waxay taas ka dhignan doonta in Horseed ay soo baxdo, Elman iska harto xita haddii Elman ay ka soo adkaato Dekedda FC.

Kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa ku taamaysa inay ka aar-gudato kooxda Muqdisho City Club iyadoo wali xusuusata final-kii koobkan General Daa’uud in rigooreyaal 4-3 loogu qaaday Horseed, xilligaasna ay ku guuleysatay Koobka naadiga Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC iyo Muqdisho City Club

Garoonka: Jaamacadaha

Saacada: 3:30 Galabnimo

Dhanka kale garoonka Eng Yarsiisow Stadium ayaa waxaa ku hardami doona kooxaha kala ah Dekedda FC iyo Elman FC.

Naadiga Dekedda FC ayaa goor hore iskaga hartay tartanka General Daa’uud halka NBaadiga Elman ay rajo ku nool tahay taas oo ka dhur-sugeyso kulanka dhaxmari doona kooxaha Horseed FC iyo Muqdisho City Club.

Elman kaliya waxay ku farxaysa in laga adkaato Horseed iyadan ay ka soo badiso Dekedda waliba goolal saddex gool iyo ka badan si ay booska labaad ay farqiga goolasha ugula baxdo Horseed.

Ogeysiis Kulanka:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Elman Vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close