Guardiola oo shaaca ka qaaday maqnaanshiyaha xiddig ka tirsan Man City kulanka Liverpool

(Manchester) 08 Nof 2019. Pep Guardiola ayaa ku dhawaaqay maqnaanshaha xiddig ka tirsan kooxdiisa Manchester City kulanka soo socota ee horyaalka Premier League ay booqan doonaan naadiga Liverpool.

Macalinka reer Spain ayaa shaaca ka qaaday in goolhaayaha koowaad kooxda Man City ee Ederson uusan qeyb ka noqon doonin liiska xiddigaha Man City ee booqan doono Axada soo aadan garoonka Anfeld.

Indhaha taageerayaasha kubadda cagta Yurub guud ahaan, gaar ahaan kuwa England ayaa ku sii jeeda garoonka Anfeld fiidnimada habeenka Axada soo aadan, si ay ula socdaan ciyaarta dhex mari doonto kooxaha Liverpool iyo Man City ee ka tirsan kulamada 12-aad horyaalka Premier League.

Ederson has been ruled out with injury

Man City ayey dhibaato weyn ku noqon doontaa guuldarro ka soo gaarta kooxda Liverpool kulanka Axada maadaama farqiga dhibcaha ee haatan u dhexeeya uu gaarsiisan yahay ilaa iyo 6 dhibcood ay ku hogaaminayaan horyaalka wiilasha Jürgen Klopp.

Haddaba goolhaayaha reer Brazil ee Ederson ayaa ku fashilmay inuu ka gudbo dhaawac dhanka muruqa ah, ee ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii Atlanta ee tartanka Champions League, sidaas darteed wuxuu seegi doonaa ciyaarta la wada sugayo ee Axada ka dhici doonto garoonka Anfeld.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close