Waa kuwee Saddexda Kooxood ee xaqiijiyey inay u soo baxeen wareegga 16-ka Champions League?

(Yurub) 07 Nof 2019. Waxaa jira kaliya saddex kooxood oo iska xaadiriyey wareegga 16-ka Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League kal ciyaareedkan illaa iyo hadda.

Waxa uu tartanka Champions League marayaa meel xiiso leh, iyadoo xalay la soo gabagabeeyey kulamaddii afaraad ee wareegga Guruubyada koobka horyallada Yurub ee Champions League.

Koox waliba weli waxaa u dhiman min labo kulan, waxaana haatanba la xaqiijiyey saddex kooxood oo u soo baxay wareegga 16-ka Champions League.

Waxaa tartankan ilaa iyo hadda ka dhacayaa lama filaanno, iyadoo kooxo si weyn loo saadaalinayey inay si dhib yar ugu soo gudbi karaan wareegga 16-ka Champions League ay illaa iyo haatan ku dhibtoonayaan inay ka soo baxaa heerka Guruubyada tartankan.

Ka hor inta aan la bilaabin ciyaarista wareegga 16-ka waxaa heerka guruubyada ka haray min labo kulan koox waliba, laakiin waxaa jira kaliya saddex kooxood oo si rasmi ah u xaqiiqsaday inay u soo baxeen wareegga 16-ka tartanka Champions League.

Saddexdaas kooxood ee soo baxay isla markaana iyadoo labo kulan uga harsan tahay heerka guruubyada Champions League sii xaqiijiyey inay u soo baxeen wareegga 16-ka ayaa waxa ay kala yihiin; PSG, Bayern Munich iyo Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close