Messi oo doortay macalinka cusub ee Barcelona si uu u noqdo bedelka Valverde bisha Janaayo ee soo aadan

(Barcelona) 07 Nof 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa doortay macalin cusub si uu u noqdo bedelka Ernesto Valverde ee naadiga Blaugrana mustaqbalka dhow.

Messi ayaan dooneynin in Barcelona ay mar kale ku guuldareysato tartanka Champions League, kaddib markii ay guuldarooyin niyadjab ah kala kulmeen kooxaha AS Roma iyo Liverpool labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Sidaa darteed, Lionel Messi ayaa wuxuu doonayaa in maamulka Barcelona ay sida ugu dhaqsida badan ay kula soo saxiixdaan macalin cusub, isagoo si weyn kaga soo horjeeda in Ernesto Valverde uu ku dhameysto xilli ciyaareedkan naadiga Blaugrana.

Image result for Ernesto Valverde and Marcelo Gallardo

Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Messi uu doonayo inay la soo saxiixato kooxdiisa Barcelona macalinka ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Marcelo Gallardo si uu u noqdo macalinka cuub ee garoonka Camp Nou.

Inkastoo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda River Plate uu beeniyay wararka sheegaya in Marcelo Gallardo uu u dhaqaaqayo Barcelona, haddana wargeyska “Don Balón” ayaa aaminsan inuu imaan karo garoonka Camp Nou kaddib codsiga adag ee kaga yimid Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close