Schweinsteiger oo kula taliyay saaxiibkiis Thomas Müller inuu ka tago kooxda Bayern Munich

(Bayern) 05 Nof 2019. Xiddigii hore xulka qaranka Germany ee Bastian Schweinsteiger ayaa ku booriyay saaxiibkiis ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Thomas Müller inuu ka tago kooxda Bayern Munich fursada ugu horreysa uu helo, si uu markale ku helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiicnaa, kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid tan iyo bilawgii xilli ciyaareedka.

Thomas Müller ayaa ka maqnaa shaxda kooxda Bayern Munich dhowr kulan, taasoo dhalisay in saxaafada ay shaki galiyaan mustaqbalkiisa garoonka Allianz Arena suuqa furmi doono bisha Janaayo.

Haddaba Bastian Schweinsteiger ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Bild” ee dalka England waxaa lagu weydiiyay su’aal ku aadan xaalada uu hatan ku sugan yahay Thomas Müller wuxuuna ku jawaabay:

“Arrinta Thomas Müller way ka duwan tahay aniga teyda, waxaan ciyaarayay kulan kasta ilaa iyo dhamaadka, marka uu ila soo xiriiray Louis van Gaal si uu ii keeno Manchester United, waxaan doonayay inaan loolan cusub tijaabiyo”.

“Xaalada uu Thomas Müller ku fadhiyo kursiga keydka uma maleynayo inuu ku qanacsan yahay isaga, sidaas darteed waa inuu ku neefsado hawo cusub oo meel kale ah si fiican ayuuna arrintaas u sameyn karaa aniga ahaan, Thomas weli wuxuu leeyahay sifooyin waaweyn ee aad u fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close