Xiddig ka tirsan Liverpool oo bartilmaameedsanaya Kooxo ka dhisan Shiinaha iyo Mareykanka

(Liverpool) 04 Nof 2019. Ciyaaryahan khadka dhexe uga dheela kooxda kubadda cagta Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa bartilmaameed ka dhigtay kooxo ka dhisan dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.

Xiddiga khadka dhexe ee Reds, Adam Lallana ayaa laga yaabaa inuu ka fiirsado inuu u dhaqaaqo labadaas horyaal ee aadka u kala duwan.

Sida ay daabacday Jariiradda The Telegraph Adam Lallana oo qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo xagaaga ayaa waxaa soo ifbaxaya inuu bartilmaameed ka dhigtay oo uu ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo kooxo ka dheela horyaallada Shiinaha iyo Mareykanka ee Chinese Super League iyo Major League Soccer.

Adam Lallana waxa ay Liverpool u soo bandhigi doontaa heshiis cusub, laakiin waxaa laga yaabaa inuu iska diido qandaraaskaas si uu kaga tago bisha Janaayo haddii kooxaha bartilmaameedka uu ka dhiganayo ay sare u qaadaan xiisahooda marka suuqa kala iibsigu dib u furmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close