Suxufi caan ah oo sheegay in maalmihii Unai Emery ee Kooxda Arsenal ay soo dhammaadeen iyo weliba xilliga la cayrin doono

(London) 03 Nof 2019. Suxufi caan ah oo ka howl-gala Sky Italy ayaa warinaya in macallin Unai Emery uu qarka u saaran yahay in laga cayriyo shaqada kooxda Arsenal.

Tababarahan reer Spain ayaa guuldarro ka soo gaarta kooxda Leicester City wuxuu arki karaa isagoo shaqadiisa weynaya ama la cayrinayo.

Sida uu warinayo Suxufi ka howl-gala Sky Italy maalmihii macallinka Arsenal Unai Emery ee garoonka Emirates ay soo dhammaaday.

Wariye Antonio Rosso ayaa ku andacooday in natiijo xun oo ka soo gaarta Gunners kulankooda xiga ee horyaalka Premier League inay soo gabagabeyn doonto waayaha macallin Emery ee garoonka Emirates.

Waxa uu Suxufigaan bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay in ilo ku sugan garoonka Emirates ay sheegayaan in ragga ay ka go’do tallada kooxda Arsenal ay qorsheynayaan inay ceyriyaan macallin Unai Emery haddii ay guuldarro ka soo gaarto Leicester City isbuuca soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close