Kooxda PSG oo heshiis cusub ka saxiixanaysa mid ka mid ah daafacyadeeda

(Paris) 03 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa lasoo warinayaa inay heshiiska u kordhinayso ciyaaryahanka daafaca kaga ciyaara ee Marquinhos.

Sida uu warinayso Warsidaha Le10Sport daafaca PSG ee Marquinhos ayaa ku dhow inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa reer France.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa qandaraaskiisa uu kula jiro kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska waxa uu ku eg yahay xagaaga 2022-ka, laakiin naadiga xafidanaysa horyaalka Ligue 1 ayaa doonaysa inuu xiddigeedu kordhiyo joogitaankiisa.

25-sano jirkaan ayaa PSG kaga soo biiray kooxda Roma sanadkii 2013-kii, wuxuuna kula guuleystay dhowr koob oo maxali ah kooxda ka dhisan magaalada Paris.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close