Frank Lampard oo barbareeyey rikoor ay kooxda Chelsea horay u sameysay 30 sano ka hor

(London) 03 Nof 2019. Macallinka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa bandhig cajiib ah ku qaadanaya Chelsea xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey isagoo tababare ah, waxaana uu ka caawiyey kooxdiisa inay soo barbareyso haatan rikoor ay horay u dhigtay 30 sano ka hor.

Chelsea ayaa 2-1 guul ah ka gaartay xalay Watford waxaana labadaas gool ay uga mahadcelinaysaa Tammy Abraham iyo Christian Pulisic, taasoo u xaqiijisay inay gaaraan todobo guul oo xiriir ah oo ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda.

Chelsea ayaa badisay todobo kulan oo isku xigta oo ay marti yihiin tartammada oo dhan, waxaana ay barbareeyeen rikoorkooda guulaha ee kulamada martida oo ay dhigeen intii u dhaxeysay Febraayo illaa April sanadkii 1989-kii.

Frank Lampard ayaa noqday macalinkii labaad ee Chelsea ag taariikhda oo gaara todobo guul oo xiriir ah kulammada martida tartammada oo dhan kaddib markii 30 sano ka hor uu sidaas oo kale sameeyey tababare Bobby Campbell intii u dhaxeysay Febraayo illaa April sanadkii 1989-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close