Juventus oo guul ay ku dhibtootay ka gaartay kooxda Torino… +SAWIRRO

(Turin) 03 Nof 2019. Juventus ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Torino, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada toddobaadkan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah kulanka ugu xiisaga badnaa toddobaadkan horyaalka Serie A ee Derby di Torino.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 70-aad Juventus ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay daafaca reer Holand ee Matthijs De Ligt, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gonzalo Higuain.

Ugu dambeyntii kulankii adkaa ee Derby di Torino ayaa wuxuu ku soo idlaaday 0-1 ay guusha ku raacday kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus, waxayn markale hogaanka farqi hal dhibic ah kala wareegtay naadiga Inter Milan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close