Chelsea oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Watford oo ay booqatay… +SAWIRRO

(England) 02 Nof 2019. Kooxda reer London ee Chelsea ayaa guul dirqi ah ka soo heshay naadiga Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 11-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 5-aad Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Tammy Abraham, kaasoo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Jorginho.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Christian Pulisic ayaa dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda Chelsea, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiisTammy Abraham.

80 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda martida loo ahaa ee Watford ayaa waxay heshay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Gerard Deulofeu, dheesha ayaana waxay sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd Watford garoonka Vicarage Road.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close