Sergio Ramos oo rikoor gooldhalinta horyaalka La Ligaha ah kula biiray Lionel Messi

(Madrid) 31 Okt 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee 16 xilli ciyaareed oo xiriir ah gool ka dhaliya horyaalka La Ligaha Spain, waxaana uu Lionel Messi kula biiray rikoorkaas, iyadoo labadaan ciyaaryahan ay yihiin labada xiddig kaliya oo sidaas sameeyey.

Daafaca dhexe ee Real Madrid ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan ee horyaalka La Liga kaddib markii uu rigoore dhaliyey qeybtii hore kulankii xalay ay garoonka Santiago Bernabeu ee  ay la dheeleen Leganes.

33-sano jirkaan ayaa ahaa mid sii wada gooldhalinta mudada dheer xilli ciyaareed kasta illaa iyo xilli ciyaareedkii 2004-05, illaa iyo waqtigiisii Sevilla.

Ramos ayaa dhaliyey labadiisii ee ugu horreeyey horyaalka La Liga kaliya xilli ciyaareed dhammays tiran oo uu ku qaagtay kooxda Sevilla ka hor inta uusan soo dhaqaaqin naadiga ka dhisan caasimadda Spain sanadkii 205, halkaasoo uu ka sii waday rikoorkiisa gooldhalinta horyaalka.

Haatan Ramos waxa uu leeyahay 62 gool uu dhaliyey 468 kulan oo uu saftay ciyaaraha sare ee horyaalka Spain.

Goolkii uu xalay dhaliyey Ramos ayaa ka dhigtay inuu xiddiga Barcelona kula biiro Messi kaliya ciyaartoyda dhaliyey gool xilli ciyaareed kasta horyaalka La Liga 16-kii sano ee ugu dambeeyey.

Messi ayaa rikoorkaas gooldhalinta xiriirka ah horay u haystay kaddib markii uu gool u dhalinayey xilli ciyaareed kasta horyaalka kooxdiisa Barcelona kal ciyaareedkii 2004-05.

Weeraryahanka reer Argentine ayaana rikoor gooldhalineed oo horyaalka ah haysta waxaana uu dhaliyey 423 gool 457 kulan oo uu saftay horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close