RASMI: Liiska xulka qaranka Argentina ee wajahaya Brazil oo lagu dhawaaqay… (Miyuu soo laabtay Lionel Messi?)

(Argantina) 31 Okt 2019. Liiska xulka qaranka Argentina ayaa lagu dhawaaqay goor dhow,  kuwaasoo ka qeyb galaya kulammada soo socda ee ay ciyaarayaan bisha November.

Argentina waxay shaacisay liiska ugu dambeeyay ee xiddigaheeda ay ku wajaheyso bisha November xulka qaranka Brazil, iyadoo Lionel Messi uu dib ugu soo laabtay xulka uu kabtanka u yahay, kaddib markii muddo dhan saddex bilood uu ganaax ku maqnaa, Sergio Agüero ayaa sidoo kale qeyb ka ah liiskan.

Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa ganaax saddex bilood ah kala kulmay xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika, kaddib markii uu garsoorka aflagaadeeyay kulankii kaalinta saddexaad ee Copa America xagaagan.

Xulka Argentina ayaa 15 bisha November dhiggooda Brazil kula ciyaari doona Saudi Arabia, kaddibna waxa ay Waddanka Israel ku wajihi doonaan xulka  Uruguay iyo Luis Suárez 19 bisha November, kulamadan saaxiibtinimo ayaa ah kuwo la isku kululeynayo ka hor bilowga isreebreebka Copa América ee sanadka soo socda.

Magacyada Liiska xulka qaranka Argentina ee lagu dhawaaqay oo dhammaystiran:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close