Koulibaly oo tilmaamay xiddiga uu u arko inuu u qalmo ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or 2019

(Napoli) 31 Okt 2019. Daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly ayaa sheegay inuu ku faanayo inuu qeyb ka noqdo liiska musharixiinta ku guuleysta abaal-marinta Ballon d’Or 2019, iyo sidoo kale horumarka weyn oo ay sameeyeen xiddigaha Afrikaanka ah ee ka xamaasha Yurub.

Kalidou Koulibaly ayaa ku soo baxay liiska 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal-marinta Ballon d’Or 2019, kaasoo ay ku dhawaaqday majalada bixisa abaal-marintan ee France Football.

Dhinaca kale daafaca xulka qaranka Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu u rajeenayo saaxiibkiis ay isku wadanka ka soo wada jeedaan iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

Haddaba Kalidou Koulibaly ayaa wareysi uu dhawaantan bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Sadio Mané Ballon d'Or 2019

“Xaqiiqdii, waxaa jira xiddigo badan oo Afrikaan ah ee ku jira liiska musharixiinta abaal-marintan, taasna waxay muujineysaa horumarka weyn ee kubadda cagta Afrika”.

“Sadio Mané, Riyad Mahrez iyo Maxamed Saalax dhamaantood waa ciyaartoy waa weyn, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan ku daro Pierre-Emerick Aubameyang, taasi macnaheedu waxay tahay inaan heysano jiil muuqda”.

“Aniga ahaan waxaan si weyn u taageerayaa in Sadio Mané uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or 2019”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close