Real Madrid oo guul sahlan ka gaartay kooxda Leganes oo marti ugu aheyd Santiago Bernabeu… +SAWIRRO

(Madrid) 31 Okt 2019. Real Madrid ayaa guul sahlan kaga gaartay kooxda Leganes garoonkeeda Santiago Bernabeu, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, kulankooda 10-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa  ee Real Madrid.

Daqiiqadii 7-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Rodrygo, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Toni Kroos, iyadoo uu markale goolkan caawiyay Karim Benzema.

Daqiiqadii 24-aad Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay kabtanta kooxda ee Sergio Ramo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-0.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ciyaarta ayaana waxay sidaas ku noqotay 4-0.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta Luka Jovic ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 5-0, waxaana goolka ka caawiyay saaxiibkiis Dani Carvajal

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda martida ugu aheyd Santiago Bernabeu ee Leganes.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close