RASMI: Van Dijk, De Ligt & De Jong oo hoggaaminaya liiska xulka qaranka Netherlands ee kulamada isreeb-reebka koobka Euro 2020

(Holland) 30 Okt 2019. Xiddigaha Van Dijk, De Ligt & De Jong ayaa hogaaminaya liiska xulka qaranka Netherlands ee ugu qeyb galaya ciyaaraha isreebreebka koobka Euro, iyadoo sidoo kale uu qeyb yahay Depay.

Xulka qaranka Netherlands ayaa wuxuu si rasmi ah u shaaca kaga qaaday liiska xiddigaha uu kaga qeyb galayo kulamada isreeb-reebka koobka Euro 2020 oo ay la ciyaarayaan xulalka Northern Ireland iyo Estonia.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha Xulka qaranka Netherlands ee lagu dhawaaqay:

Goolhayaasha: Cilessen, Vermeer, Bizot, Zoet

Daafacyada: Van Aanholt, Ake, Blind, Van Dijk, Dumferies, De Ligt, Veltman, De Vrij, Hateboer

Khadka dhexe: Van de Beek, F.De Jong, Strootman, Wijnaldum, De Roon, Vilhena, Propper

Weerarka: Babel, Berghuis, L.De Jong, Malen, Memphis Depay, Balanqaad, Weghorst, Stengs.

Haddaba qaabka loo ciyaarayo kulamadan ayaa ah:

16/11/2019 Xulka qaranka Netherlands ayaa booqanaya dhigooda Northern Ireland.

Halka 19/11/2019 xulka qaranka Netherlands uu soo dhaweyn doono Estonia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close