Man United oo u gudubtay wareega siddeed dhamaadka Carabao Cup, kaddib markii ay Chelsea kaga soo adkaatay Samford Bridge… +SAWIRRO

(London) 31 Okt 2019. Manchester United ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka koobka Carabao Cup, kaddib markii ay 1-2 kaga soo adkaatay kooxda Chelsea oo ay marti ugu noqotay garoonka Stamford Bridge, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-ka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 25-aad Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay weeraryahankooda reer England ee Marcus Rashford, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 61-aad Chelsea ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Michy Batshuayi.

Laakiin daqiiqadii 73-aad Manchester United ayaa markale hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-2 ka dhigay weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Manchester United, Red Devils ayaa waxay sidaas ugu gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Carabao Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close