Liverool oo iska xaadirisay siddeed dhamaadka Carabao Cup, kaddib kulan 10 gool leyska dhaliyay oo ka dhacay Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 31 Okt 2019. Liverpool ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka koobka Carabao Cup, kaddib markii ay Arsenal kaga adkaatay, rigoorayaal  5-4 ah, xilli 90-ka daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo idlaatay barbaro 5-5 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-ka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-3 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 6-aad ee qeybta hore ciyaarta Liverpool ayaa hogaanka u qabatay dheesha, kaddib gool kam ah uu iska dhaliyay daafaca kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 19-aad kooxda Arsenal ayaa heshay goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Lucas Torreira, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-1.

26 daqiiqo Gabriel Martinelli ayaa hogaanka u dhiibay markan kooxdiisa Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.

36 daqiiqo Gabriel Martinelli ayaa markale gaaray shabaqa kooxda Liverpool wuxuuna dheesha ka dhigy 1-3, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

43 daqiiqo Liverpool ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay James Milne, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-3.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo kooxda Arsenak ayaa heshay gool waxaana 2-4 ka dhigay Ainsley Maitland-Niles, waxaana goolkan ka caawiyay xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil.

58 daqiiqo xiddiga kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-4, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Adam Lallana.

62 daqiiqo Liverpool ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 4-4 ka dhigay dheesha Divock Orig, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Curtis Jones.

70 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Arsenal ayaa markale hogaanka u qabatay dheeshay, kaddib markii uu gool inaba aan caadi aheyn uu dhax dhigay shabaqa kooxda Reds da’ayarka Joseph Willock, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 4-5.

90 daqiiqo Liverpool ayaa markale heshay goolka barabaraha waxaana 5-5 ka dhigay Divock Origi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 5-5 ah, waxayna Liverpool awooday in rigoorayaal 5-4 ah ugu gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Carabao Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close