Manchester United oo guul muhiim ah ka soo gaartay kooxda Norwich City oo ay booqatay… + SAWIRRO

(England) 27 Okt 2019. Kooxda Manchester United ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonkeeda Carrow Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 10-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 12-aad kooxda Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer England ee Scott McTominay.

Markale daqiiqadii 30-aad Manchester United ayaa la timid gool labaad, waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Marcus Rashford, xilli uu goolkan ka caawiyay Daniel James.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad Anthony Martial ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Man United wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3, waxaana goolkan ka caawiyay Marcus Rashford.

Balse daqiiqadii 88-aad kooxda Norwich City ayaa heshay gool waxaana u dhaliyay xiddigooda Onel Hernandez.

Laakiin ugu dambyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-3 oo ay guusha ku raacday Manchester United oo marti u aheyd kooxda Norwich City.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close