Liverpool oo ku garaacday kooxda Tottenham Hotspur garoonkeeda Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 27 Okt 2019. Liverpool ayaa si dhib leh kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur oo marti ku aheyd garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga tilaabsatay 2-1.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Tottenham Hotspur.
Daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta kooxda Tottenham Hotspur ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer England ee Harry Kane.
Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.
52 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Liverpool ayaa shegay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay kabtankooda Jordan Henderson.
Daqiiqadii 75-aad Liverpool ayaa heshy rigoore waxaana gool u badalay Mohamed Salah ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1 ay hogaanka ku qabatay Reds.
Ugu dambeyntii dheeshay ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ugu awood sheegteen wiilasha Jürgen Klopp ee Liverpool kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.
SAWIRRO:
Gool FM.