Kulan ka tirsan koobka General Daa’uud oo galabta la ciyaari doono

(Muqdisho) 27 Okt 2019. Kooxaha Jamhuuriya iyo Waxool ayaa Galabta kulan adag oo ka tirsan tirsan Koobka General Daa’uud ku ciyaari doona Garoonka Eng Yariisoow Stadium (Ex Koonis).

Labadan kooxood ee Waxool iyo Jamhuuriya ayaa kuwada jira Group-ka D, waxaana ku wehliya kooxaha Heegan Iyo Jaziira.

Waxool iyo Jamhuuriya ayaa waxay ka dheelan horyaalka heerka labaad ee dalka.

Group-ka D waxaa iminka hoggaaminaya kooxda Jazeera Sports Club, maadaama ay ka soo adkaatay naadiga Heegan ciyaar ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu raacday wiilasha Jazeera S.C.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: General Daa’uud

Kooxaha: Jamhuuriya vs Waxool

Taariikhda: Axad, 27 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Garoonka Eng Yariisoow Stadium (Ex Koonis).

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close