Kooxda Roma oo AC Milan ku garaacday Stadio Olimpico… +SAWIRRO

(Roma) 27 Okt 2019. Kooxda Roma ayaa Stadio Olimpico ku dubatay AC.Milan oo marti ugu aheyd, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulankooda 9-aad ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Roma.

Daqiiqadii kooxda martida loo ahaa ee Roma ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Edin Dzeko, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gianluca Mancini.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo kooxda AC Milan ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Theo Hernandez, xilli uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Davide Calabria.

Laakiin daqiiqadii 59-aad kooxda Roma ayaa hogaanka la wareegtay markale waxaana 2-1 dheesha ka dhigay Nicolo Zaniolo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guul kaga gaartay kooxda Roma dhigeeda AC Milan oo marti ku aheyd Stadio Olimpico.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close