Crystal Palace oo taako u dhigtay Kooxda Arsenal…. +SAWIRRO

(London) 27 Okt 2019. Kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday Emirates Stadium, kaddib markii ay ku kala bexeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa kulamada 10-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 7-aad kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay Sokratis, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Granit Xhaka.

9 daqiiqo David Luiz ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay hogaanka ku qabatay Arsenal, xilli uu goolkan caawintiisa lahaa Alexandre Lacazette.

Daqiiqadii 32-aad kooxda Crystal Palace ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Luka Milivojevic, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-1.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

52 daqiiqo kooxda Crystal Palace ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 2-2 ka dhigay Jordan Ayew, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James McArthur.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay barbaro 2-2 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood ee Arsenal iyo Crystal Palace, kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen Emirates Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close