Taageerayaasha Argentina oo war farxad leh ka helay xaaladda Lionel Messi… (Goormee dib u soo laaban doonaa Kabtankooda kaddib ganaaxii lagu riday?)

(Buenos Aires) 26 Okt 2019. Lionel Messi ayaa dib ugu soo laaban doona xulkiisa qaranka Argentina kaddib ganaaxii saddexda bilood ahaa ee lagu riday.

Shabakadda “TyC Sports” ayaa warineysa in Lionel Messi uu dib ugu soo laaban doono xulkiisa qaranka Argentina kulammada saaxiibtimo ee soo aaddan oo kan hore ay xulka Brazil kula ciyaari doonaan Saudi Arabia 15-ka bisha November iyo kulanka kale oo ay Uruguay kula dheeli doonaan 19-ka November Waddanka Israel.

Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa ganaax saddex bilood ah kala kulmay xiriirka kubadda cagta ee Koonfurta Ameerika, kaddib markii uu garsoorka aflagaadeeyay kulankii kaalinta saddexaad ee Copa America xagaagan.

Kulanka saaxiibtimo ee xulka Argantina ay wajahayaan Brazil ayaa noqon kara kulankii ugu horreeyay ee Lionel Messi u ciyaaro xulkiisa kaddib ganaaxa uu kala kulmay xiriirka kubadda cagta ee Koonfur Ameerika, waana war farxad u ah Jamaahiirta xulka qaranka Argentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close