Man United oo si gaar ah isha ugu heysa xiddig ay u aragto inuu noqon karo badelka saxda ah ee Paul Pogba

(Manchester) 26 Okt 2019. Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær uu go’aamiyay badelka Paul Pogba, haddii ay dhacdo inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær ayaa lagu soo waramayaa inuu u arko xiddiga kooxda Borussia Mönchengladbach ee Denis Zakaria inuu yahay badelka saxda ah ee laacibka reer France ee Paul Pogba haddii ay dhacdo inuu ka tago United-ka,

Paul Pogba ayaa lala xiriirinayay tan iyo suuqii xagaaga ee la soo dhaafay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid uu hogaamiyo macalinka ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Zinedine Zidane.

Image result for pogba and Denis Zakaria

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa isku diyaarinaya inay sameeyaan olale weyn ee dhanka kooxda ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo aadan, Pogba ayaana u muuqda inuu yahay xiddiga ugu horeeyay ee ka baxaya garoonka Old Trafford, si dhaqaalaha ka soo xarooda ay ugu howlgalaan maamulka Red Devils.

Yeelkeedee, tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu si weyn u xiiseenayaa inuu la soo saxiixdo xiddiga kooxda Borussia Mönchengladbach ee Denis Zakaria, si uu ugu noqdo bedelka Paul Poga xilli ciyaareedka soo aadan.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Denis Zakaria oo 22 jir ah isla markaana lagu qiimeeyo aduun dhan 43 milyan euro uu yaboohyo kala duwan ka helayo kooxo ay ka mid yihiin Tottenham, Borussia Dortmund, Bayern Munich iyo Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close