Man City oo guul sahlan ka gaartay Aston Villa oo marti ugu ahayd Etihad Stadium…+ SAWIRRO

(Manchester) 26 Okt 2019. Manchester City ayaa guul sahlan ka gaartay kooxda Aston Villa oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, waxayna ugu awood sheegatay 3-0, kulankooda 10-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Man City iyo Aston Villa.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 46-aad Man City ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Brazil ee Gabriel Jesus.

Markale daqiiqadii 65-aad Man City ayaa la tamid gool, waxaana 2-0 ka dhigay Kevin De Bruyne, waxaana goolkan ka caawiyay Benjamin Mendy.

70 daqiiqo Ilkay Gundogan ayaa si toos ah u niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Aston Villa ee ku sugnaa garoonka Etihad, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0 ay guul kaga gaartay Manchester City kooxda martida ugu aheyd Etihad Stadium ee Aston Villa, kulankooda 10-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close