Jamie Carragher oo sharaxay dhibaatada ugu weyn ee heysata Man United xilli ciyaareedkan

 (England) 26 Okt 2019. Daafacii hore kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ka hadlay dhibaatada ugu weyn ee ka heysata kooxda Manchester United xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League iyo sida ay muhiim u tahay in la xaliyo.

Red Devils ayaa si xun kaga bilaabatay xilli ciyaareedkan Premier League, iyagoo guul gaaray kaliya 2 jeer, 9 kulan ay ka ciyaareen horyaalka, taasoo ka dhigtay inay ku jiraan booska 14-aad ee dhanka miiska kala sareynta.

Manchester United ayaa dhalisay kaliya hal gool kulan kasta, tan iyo guushii ay kooxda Chelsea kaga gaareen 4-0 bishii August, wuxuuna Jamie Carragher aaminsan yahay in Red Devils ay u baahan tahay in la daaweeyo haddii ay u baahan tahay inay sarre ugu kacdo booska ay haatan kaga jirto dhanka miiska kala sareynta ee horyaalka.

Carragher ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Waxaan u malaynayaa in Man United ay leedahay u jeedo si ay hormar u sameeyaan, dabcan way sameyn doonaan”.

“Haddii aan fiirino United-ka labadii kulan ee Norwich City iyo Bournemouth, waxaa jirtay dhibaato weyn, taasoo ah inaysan dhalin karin wax ka badan 1 gool kulan kasta, waana dhibaato weyn ee u baahan in wax laga qabto”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close