Chelsea oo guul muhiim ah ka soo gaartay Burnley oo ay booqatay, xilli Pulisic kulankan uu wacdaro ka dhigay … +SAWIRRO

(England) 26 Okt 2019. Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay naadiga Burnley oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 2-4, kulankooda 10-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.
Daqiiqadii 21-aad Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Mareykan ee Christian Pulisic.
45 daqiiqo Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana markale 0-2 ka dhigay Christian Pulisic.
Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.
56 daqiiqao Christian Pulisic ayaa wuxuu dhaliyay goolkiisa saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 0-3 ay ku hogaamineysay kooxda Chelsea, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Mount.
58 daqiiqo Willian ayaa si toos ah u niyad jabiyay taageerayaasha kooxda Burnley, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-4, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Tammy Abraham.
Laakiin kooxda Burnley ayaa la timid gool daqiiqadii 86-aad, waxaana ciyaarta 1-4 ka dhigay Jay Rodriguez oo gool cajiib ah ee aad u qurux badan dhex dhigay shabaqa naadiga Blues.
Markale kooxda Burnley ayaa la timid gool daqiiqadii 89-aad waxaana 2-4 ka dhigay Dwight McNeil, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Robbie Brady.
Ugu dambeyntii dheesha ayaa waxay ku soo idlaatay 2-4 ay ku adkaatay Chelsea oo marti ugu aheyd kooxda Burnley garoonkeeda Turf Moor.
SAWIRRO:
Gool FM.