Laba ka mid ah taageerayaasha Liverpool oo seegay kulankii kooxdooda ee UCL, kaddib markii ay isku qaldeen magaalooyinka Genk iyo Gent

(Belgian) 24 Okt 2019. Sida uu warinayo website-ka “Sporza.Be” ee laga leeyahay dalka Belgian Laba ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa waxay ku guuldareysteen inay xaadiraan kulankii ay kooxdooda wajahday Genk, kaddib markii ay u safreen magaalada kale ee isla dalka Belgian Gent.

Natiijadaas ayaa ka dhigtay in garoonka ciyaarta ka dheceyso ay ka raadiyaan magalada Gent 30 daqiiqo kahor inta la baasan ciyaarta.

Inkastoo ay kooxda Gent ay ka ciyaarto horyaalka heerka sare ee dalka Belgian, ayaa hadana waxay labadan taageere ee Liverpool awoodi waayay inay helaan kooxda ay la ciyaareysay Reds.

Waxay aad ugu daaheen inay garoonka ka daawadaan kulankaas Champions League ah, waxayna u baxeen in ciyaarta ay ka daawadaan maqaayad ku taala gudaha magaalada Gent, iyagoo halkaas ku galay sawir wadajir ee xasuus ah.

Yeelkeede, aad uguma xumeen labadan taageere ee Liverpool maadaama ay kulanka si raaxo leh ugu daawadeen maqaayadda.

Kooxda kubadda cagta ee Gent oo caawa la ciyaareysa kulanka ka tirsan tartanka Europa League naadiga Wolfsburg ee dalka Germany ayaa kulankan ku casuuntay labadan taageere Liverpool ee soo lumay.

Ma cada haddii ay aqbali doonaan labada taageere dalabka ay ka heleen kooxda Gent iyo haddii ay dib ugu laaban doonaan magaaladii ay ka soo safreen ee Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close