RASMI: Xiriirka Kubadda Cagta Spain oo go’aan ka gaaray xilliga la ciyaari doono kulanka El Clasico

(Spain) 23 Okt 2019. Xiriirka Kubadda Cagta Spain ee (RFEF) ayaa go’aamiyay taariikhda rasmi ah ee la ciyaari doono kulanka El Clasico lugta hore horyaalka La Liga ee dhex mari doono kooaha Real Madrid iyo Barcelona.

Kulankan ayaa horey u qorsheesnaa inuu ka dhaco 26-ka bishan Oktoobar garoonka Camp Nou, kahor inta aan dib loogu dhigin sababa la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka jirta gobolka Catalonia.

Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Spain, kulankan ayaa lagu ciyaari doonaa  Arbaco 18-ka bisha Diseembar ee soo aadan garoonka Camp Nou.

Xiriirka ayaa sheegay inay go’aamiyeen taariikhda la ciyaari doono kulanka El Clasico,  kaddib markii guddiga tartamada uu tixgaliyay codsiyada ay soo gudbiyeen labada kooxood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close