RASMI: Liiska 20-ka ciyaaryahan ee kooxda Manchester United oo uu macallin Ole Gunnar Solskjaer ula safray Belgrade oo la shaaciyey

(Manchester) 23 Okt 2019. Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhawaaqay 20-ka ciyaaryahan ee kooxda Manchester United oo uu ula safray dalka Serbia, kuwaasoo uu kala qeyb gali doono kulanka Europa League oo ay habeen dambe wajahayaan Partizan Belgrade.

Kooxda Man United ayaa galabta oo Arbaco ah ka duushay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Manchester, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Belgrade ee dalka Serbia, waxaana shaxda ka mid ah markii ugu horreysay da’yarka Ethan Laird, halka goolhayaha 23-ka sano ka yar ee Matej Kovar uu sidoo kale safarka ka qeyb galay.

Solskjaer ayaa weli waxa uu dhexda kaga jiraa xaalad dhaawacyo ah, iyadoo xiddigaha ka maqan safarka ee seegi doona kulanka habeen dambe ay ku jiraan David De Gea, Axel Tuanzebe, Luke Shaw, Paul Pogba iyo Nemanja Matic, inkastoo uu soo laabtay Jesse Lingard.

Caawa ayay gaari doonaan Belgrade, waxaana sida ay kooxda Man United xaqiijisay macallin Solskjaer uu warbaahinta la wadaagi doonaa warbixinno ku saabsan xiddigihiisa dhaawac ah, sidoo kale waxa uu ka hadli doonaa kulanka ay ku ciyaari doonaan garoonka Partizan Stadium.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha Man United ee u safray dalka Serbia:-

Sergio Romero, Lee Grant, Matej Kovar; Phil Jones, Ethan Laird, Victor Lindelof, Harry Maguire, Marcos Rojo, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams; Fred, James Garner, Daniel James, Jesse Lingard, Scott McTominay, Juan Mata, Andreas Pereira; Mason Greenwood, Anthony Martial, Marcus Rashford.\

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close