Gabriel Batistuta oo si weyn u difaacay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi

(Argantina) 23 Okt 2019. Xiddigii hore xulka qaranka Argantina ee Gabriel Batistuta ayaa difaacay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddigii hore kooxaha Fiorentina iyo Roma ayaa rumeysan inay jirto dhaleeceyn aan cadaalad aheyn ee loo jeediyay Lionel Messi sababa la xiriira qaab ciyaareedkiisa xulka qaranka Argantina.

Gabriel Batistuta ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Sky Sport” ayaa wuuu ku sheegay:

“Lionel Messi wuxuu ku dhuwaaday inuu koob kula guuleysto xulka qaranka Argantina, lakiin nasiibka ma uusan ka saacidin”.

“Mararka qaar waxaan ka fileynay wax ka badan waqtiyada qaar, laakiin ugu dambeyntii isagu waa bini’aadam”.

Intaas kaddib Gabriel Batistuta ayaa wuxuu ku tilmaamay Lionel Messi inuu yahay kan ugu fiican adduunka wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Messi wax walba uu awoodo uu u sameeyay Argantina, laakiin jawiga xulka ayaa ka soo hor jeestay isaga, mana garab istaagin, waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo sababtoo ah waa kan ugu fiican adduunka, wuxuuna soo bandhigay wax walba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close