Chelsea oo guul soo daahday ka soo heshay kooxda Ajax oo ay booqatay kulan ka tirsan Champions League…+SAWIRRO

(Holland) 23 Okt 2019. Chelsea ayaa guul dirqi ah kaga soo gaartay Kooxda Ajax oo ay ku booqatay garoonka Johan Cruijff Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulankooda saddexaad GROUP H ee tartanka Champions League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 86-aad kooxda reer London ee Chelsea ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Michy Batshuayi, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Christian Pulisic.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda Chelsea oo saddexda dhibcood kaga soo qaatay naadiga reer Holland ee Ajax oo ay ku booqdeen garoonka Johan Cruijff Arena.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close