Imise ciyaaryahan ayay ku leedahay kooxdaada liiska 30-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta Ballon d’Or 2019?

(Paris) 22 Okt 2019. Majaladda “France Football” ee dalka France ayaa si rasmi ah shaaca ka qaaday xalay, liiska magacyada musharraxiinta abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or 2019.

France Football waxa ay ku dhawaaqay liis ka kooban 30 ciyaaryahan kuwaasoo laga soo xuli doono saddexda ciyaaryahan ee kama dambeysta isla soo gaari doona kuna tartami doona ciyaaryahanka ugu fiican Adduunka ee sanadkan 2019.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa 30-kaas ciyaaryahan inta xiddig ee ay koox waliba ku leedahay, yaase kaga jira kooxda aad adigu taageeraha u tahay.

Liverpool ayaa ah kooxda xiddigaha ugu badan ku yeelatay waxaana ay ku leedahay 7 ciyaaryahan, waxaana ku soo xiga Mancheste City oo ku leh 5 laacib, halka naadiga reer Spain ee Barcelona ay ku leedahay 4 laacib.

Haddaba halkaan hoose ka eeg koox waliba iyo xiddigaha ay ku leedahay musharraxiinta abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or 2019:-

Ajax: Donny van de Beek, Dusan Tadić

Arsenal: Pierre-Emerick Aubameyang

Atletico Madrid: João Félix

Barcelona: Frenkie de Jong, Marc-André ter Stegen, Lionel Messi, Antoine Griezmann

Bayern Munich: Robert Lewandowski

Juventus: Cristiano Ronaldo, Matthjis de Ligt

Liverpool: Sadio Mané, Trent Alexander-Arnold, Alisson, Georginio Wijnaldum, Virgil van Djik, Roberto Firmino, Mohamed Salah

Manchester City: Sergio Agüero, Bernardo Silva, Riyad Mahrez, Kevin de Bruyne, Raheem Sterling

Napoli: Kalidou Koulibaly

PSG: Kylian Mbappé, Marquinhos

Real Madrid: Karim Benzema, Eden Hazard

Tottenham: Hugo Lloris, Heung-min Son

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close