Guud ahaan kulammada caawa la ciyaari doono ee UEFA Champions League & Saacadaha ay soo geli doonaan

(Yurub) 22 Okt 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan koobka horyaallada Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaari doonaa.

Kulammo ka tirsan Guruubyada A, B, C iyo D ayaa la dheeli doonaa caawa, iyadoo ay ku jiraan kulamo xiiso leh.

Real Madrid ayaa booqanaysa dalka Turkiga halkaasoo ay kula soo dheeli doono naadiga Galatasaray, halka Paris Saint-Germain ay u safreyso Club Brugge.

Bayern München ayaa booqanaysa dhankeeda naadiga Olympiacos, halka Tottenham Hotspur ay soo dhoweynayso Crvena Zvezda.

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa naadiga reer Talyaani ee Atalanta, Atletico Madrid iyo Bayer Leverkusen ayaana madaxa isgelin doona, halka Juventus ay soo dhoweynayso Lokomotiv Moscow.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada caawa laga ciyaari doono Champions League iyo saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP A

10:00 Habeennimo Club Brugge vs Paris Saint-Germain

10:00 Habeennimo Galatasaray vs Real Madrid

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP B

10:00 Habeennimo Olympiacos vs FC Bayern München

10:00 Habeennimo Tottenham Hotspur vs FK Crvena Zvezda

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP C

7:55 Fiidnnimo Shakhtar Donetsk vs Dinamo Zagreb

10:00 Habeennimo Manchester City vs Atalanta

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP D

7:55 Fiidnnimo Atletico Madrid vs Bayer Leverkusen

10:00 Habeennimo Juventus vs Lokomotiv Moscow

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close