RASMI: Liiska musharaxiinta abaal-marinta da’ayarka ugu fiicnaa aduunka sanadka 2019 oo la shaaciyay

(France) 21 Oct 2019. Majaladda France Football ayaa shaacisay liiska musharaxiinta abaal-marinta Kopa Trophy ee da’ayarka ugu fiicnaa aduunka sanadka 2019, kuwaasoo ay da’adooda ka hooseyso 21 sano jir.

France Football ayaa sanadkan ugu talagashay inay bixiso abaal-marinta Ballon d’Or ee qaas u ah xiddigaha ay da’adooda ka hooseeyso 21 jirada, waxaana loogu magacdaray Kopa Trophy.

Haddaba xiddigaha liiskan ku soo baxay abaal-marinta Kopa Trophy ee da’yarta ayaa waxaa ka mid ah:

Vinicius Jr (Real Madrid).

Jadon Sancho  (Borussia Dortmund)

Kai Havertz  (Bayer 04 Leverkusen)

Matteo Guendouzi (Arsenal)

Matthijs de Ligt (Juventus)

Joao Felix   (Atlético Madrid)

Moise Kean  (Everton)

Samuel Chukwueze  (Villarreal)

Kang-in Lee (Valencia)

Andrey Lunin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close