Ramos oo sheegay waxa kaliya ee ka dhiman kooxda Real Madrid kahor kulanka Galatasaray

(Madrid) 21 Oct 2019. Daafaca reer Spain ee Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday waxa ka dhiman Real Madrid waqtigaan la joogo, ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda reer Turkey ee Galatasaray.

Kooxda Real Madrid ayaa habeen dambe Talaadada ah ku soo dhaweyn doonta garoonka Santiago Bernabeu kooxda reer Turkey ee Galatasaray si ay u wada ciyaaraan kulankooda saddexaad ee GROUP A tartanka Champions League.

Haddaba Sergio Ramos ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Galatasaray wuxuu kaga hadlay waxa kaliya ee ka dhiman kooxdiisa Real Madrid wuxuuna yiri:

“Kubadda cagta waxay ku nooshahay dhalinta goolal, taasi waa waxa kaliya ee haatan ka maqan kooxda Real Madrid”.

“Joogitaanka Zinedine Zidane waxay muhiim u tahay kooxda, waxuuna meesha ka saarayaa cabsida nagu jirtay oo dhan”.

“Zidane si buuxda ayuu u ogyahay waxa ay Real Madrid u baahan tahay si ay sarre ugu kacdo iyo sida dhibaatooyinka loo xaliyo”.

“Waxaan la jiri doonaa Zidane ilaa heer dhimasho, waxaana dooneynaa inaan bilowno inaan isku hagaajino kulanka berrito si aan u gaarno guul”.

“Waxaan dooneynaa inaan horumarino waxyaabo qaar, isla markaana aan dib u soo celinin khaladaadkii hore, waa inaan ciyaarta ku soo galnaa inagoo si weyn u taxadireyna”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close