“Kubadda Cagta waa cadaalad darro, waxaan doonayaa inaan weligeey sii joogo Real Madrid” – Zidane

(Madrid) 21 Oct 2019. Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka soo muuqday shir Jaraa’id gaar ah ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda reer Turkey ee Galatasaray.

Kooxda Real Madrid ayaa habeen dambe Talaadada ah ku soo dhaweyn doonta garoonka Santiago Bernabeu kooxda reer Turkey ee Galatasaray si ay u wada ciyaaraan kulankooda saddexaad ee GROUP A tartanka Champions League.

Zinedine Zidane ayaa ka hadlay dhowr arrimood muhiim ah ee quseeya kooxdiisa Real Madrid ee xilli ciyaareed, gaar ahaan kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan Galatasaray, sidoo kale wuxuu ka hadlay wararka xanta ah ee ku aadan inuu ka tagayo shaqada tababarka ee kooxda.

Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Berrito waxaan heysanaa ciyaar guud ee masiiri ah, waa inaan muujinaa waxa  aanahay, wax walbo waxay ku jiraan gacmaheena”.

“Wixii tagay waa ay tageen, waxaan si xun kaga bilowanay tartanka Champions League, waxaana dooneynaa inaan taasi badalno, kaddib guuldarooyinkii ugu dambeeyay”.

“Shakhsiyan, waxaan doonayaa inaan waligeey sii joogo halkaan kooxda Real Madrid”.

“Kubadda Cagta si dhaqso ah ayey u ilaawdaa waxii aad  ku soo bandhigtay, laakiin taasi waxba igama quseeyaan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close