Zlatan Ibrahimovic oo si weyn u amaanay xiddigaha Ronaldo iyo Messi, isagoo dhinaca kale sheegay….

(Europe) 20 Okt 2019. Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu si weyn u amaanay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, isagoo tilmaamay astaamaha labadan xiddig.

Zlatan Ibrahimovic ayaa muddo hal xilli ciyaareed ah wuxuu kaga soo garab ciyaaray Lionel Messi kooxda Barcelona, kahor inta uusan khilaaf soo kala dhex galin isaga iyo tababare Pep Guardiola, taasoo dhalisay inuu ka tago xagaagii 2010.

Ibrahimovic ayaa sheegay in xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay galeen marxaladii ugu xumeed xirfadooda ciyaareed ee kubadda cagta, wuxuuna tilmaamay in koritaanka da’adooda ay saameyn ku yeelan karto qaab ciyaareedkooda, wuxuuna tusaalo ahaan ugu soo qaatay qibradiisa kooxda Manchester United.

Haddaba weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” waxaa lagu weydiiyay su’aal ku saabsan xiddigaha Messi iyo Ronaldo wuxuuna ku jawaabay:

“Waan arki doonaa halka ay joogaan marka ay gaaraan da’deyda, waxaan ku sugnaa kooxda Manchester United marka ay da’adeydu aheyd 35 sano, xaalada ma aysan sahlaneyn, laakiin xilli ciyaareedkii ugu horeeyay waxaan ku guuleysanay 3 koob, waxaana ka gudubnay caqabadaha jiray”.

“Waxaan taageersanahay Cristiano Ronaldo, wuxuu u shaqeeyaa si adag, wuxuuna ka soo ciyaaray meel kasta, laakiin arrinta way ka duwan tahay Talyaaniga, layaab iguma ahan inuu dhaliyay goolal ka yar intii caadiga ahayd”.

“Messi? Maxaan ka dhihi karaa, wuxuu leeyahay hibo gaar ah, gurigiisana waa (Barcelona), uma maleynayo inuu waligiis bedeli doono kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close