Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Galatasaray & Magacyada Shan ciyaaryahan oo ka maqan

(Madrid) 20 Oct 2019. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ula safrayo kulanka Galatasaray ay ku wada ciyaari doonaan kulankooda 3-aad ee wareega group-yada tartanka Champions League habeenka Talaadada ee soo aadan.

Zidane ayaa wuxuu liiskan ugu yeeray magacyada 21 ciyaartoy, iyaddoo aysan ku soo bixin xiddigaha Luka Modrić, Gareth Bale, Nacho Fernández iyo Marco Asensio, sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan, halka Mariano Díaz uu ku maqan yahay sababa farsamo ee dhanka Tababaraha.

Laakiin taasi badalkeeda waxaa liiskan ku soo baxay Eden Hazard oo maqnaa kulankii lasoo dhaafay ee Real Mallorca, sidoo kale xiddigaha Lucas Vázquez iyo Toni Kroos oo kasoo kabtay dhaawacyadii ay qabeen kahor kulamadii caalamiga ahaa ayaa liiskan markale dib ugu soo laabtay.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Galatasaray ee tartanka Champions League:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close