“Waan ka xumahay Van Dijk… Messi waa inuu kaa horreeyaa” – Sadio Mané

(Liverpool) 20 Okt 2019. Weeraryahanka reer Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané ayaa si cad u sheegay in Lionel Messi uu u qalmay ku guuleysiga abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa sanadka ee FIFA The Best, marka loo fiiriyo saaxiibkiis Rads ee Virgil van Dijk.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay magaalada Milan oo abaal-marinnada FIFA lagu bixiyay, isagoo ku garaacay xiddigaha Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Wargeyska “Sunday Times” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Sadio Mané wuxuuna yiri:

“Waa amaan aad u fiican marka uu Lionel Messi kuu codeeyo, marka loo fiiriyo halka aan ka imid, taasi waxay muujineysaa inaan soo qabtay shaqo aad u adag ee xirfadeyda kubadda cagta ah”.

“Waxa kaliya aan u sheegi karo ciyaartoyda da’ayarta soo koreysa ayaa ah inay sii wadaan shaqada adag ay qabanayaan si ay u difaacdaan riyooyinkooda”.

Intaas kaddib Sadio Mané ayaa wuxuu ka hadlay aragtidiisa kaga aadan abaal-marintii FIFA THE BEST uu ku guuleystay Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Virgil van Dijk waa laacib weyn, laakiin waan ka xumahay isaga, sababtoo ah Messi ayaa ah kan ugu fiican waana inuu isaga ka horeeyaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Mané.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close