Inter oo wali cadaadineysa Juventus, kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay kooxda Sassuolo… +SAWIRRO

(Serie A) 20 Okt 2019. Kooxda Inter Milan ayaa wali cadaadineysa hogaamiyaasha horyaalka ee kooxda Juventus, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga gaareen naadiga Sassuolo 3-4, kulankooda 8-aad ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-3 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Inter Milan.

Daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta Inter ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana gool u dhaliyay xiddigeeda Lautaro Martinez, iyadoo uu goolkan caawiyay Marcelo Brozovic.

16 daqiiqao marka ay ciyaarta aheyd kooxda martida loo ahaa ee Sassuolo waxaana goolka u dhaliyay xiddigooda Domenico Berardi, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah,

Laakiin daqiiqadii 38-aad Romelu Lukaku ayaa markale hogaanka u dhiibay kooxdiisa Inter Milan, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2, waxaana goolkan ka caawiyay Stefan De Vrij.

45 daqiiqo kooxda Inter Milan ayaa heshay rigoore waxaana gool u bedalay Romelu Lukaku ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-3 ay hogaanka ku heysay kooxda martidgaku aheyd garoonka Mapei.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad Inter ayaa markale heshay rigoore waxaana markan gool u badalay Lautaro Martinez oo ciyaarta ka dhigay 1-4

74 daqiiqo kooxda Sassuolo ayaa gool la mid waxaana u dhaliyay xiddigooda Filip Djuricic, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-4, kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis Francesco Caputo.

Markale daqiiqadii 82-aad kooxda Sassuolo ayaa la timid gool, waxaana 3-4 ka dhigay ciyaarta xiddigooda Jeremie Boga.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-4 ay guusha ku raacday kooxda Inter Milan oo marti ugu aheyd kooxda Sassuolo Mapei Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close