Kooxda Chelsea oo ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato mid ka mid ah xiddigaheeda

(London) 20 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay heshiis cusub ka saxiixato weeraryahankeeda Tammy Abraham.

Kooxda reer London ee Chelsea ayaa kalsooni ku qabta in Tammy Abraham uu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda sida uu warinayo warsidaha Sky Sports.

Labada dhinac ayaa ku dhow inay heshiis ka gaaraan qandaraaska cusub oo ay ka doonayaan inuu u saxiixo weeraryahanka reer England.

Abraham ayaa dhaliyey siddeed gool sagaal kulan oo uu kooxda kubadda cagta Chelsea u ciyaaray illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close