Horudhac: Manchester United vs Liverpool… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka adag ee ka dhacaya garoonka Old Trafford)

(Manchester) 20 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo dhoweynaysa naadiga Liverpool maqribnimada maanta kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa go’aansan doonta inay ka soo muuqato kaalimaha ugu hooseeya horyaalka ama booska todobaad ayay bartilmaameedsan kartaa kulanka Liverpool ku qaabilayaan garoonka Old Trafford ee Premier League.

Wiilasha Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa 15 dhibcood ka dambeeya cadawgooda Liverpool kaddib siddeed kulan oo ay ciyaareen, inkastoo aan weli looga badin lix kulan oo ay garoonkooda kula ciyaareen Reds.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 20 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:30 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Martin Atkinson (England)

Garoonka: Old Trafford

Wararka Kooxaha:-

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David de Gea ayaa qaba dhaawac gumaarka ah, mana la filayo inuu ciyaaro kulankan, halka laacibka khadka dhexe ee Paul Pogba uu dhaawac canqowga ah ku maqan yahay.

Aaron Wan-Bissaka, Anthony Martial iyo Luke Shaw ayaa tijaabooyin marti doona goordambe, Jesse Lingard, Phil Jones, Diogo Dalot iyo Mason Greenwood ayaana sidoo kale shaki la galinayaa.

Liverpool ayaa kormeeri doonta goolhayaheeda Alisson, kaasoo soo laaban kara kaddib labo bilood oo uu ku maqnaa dhaawac kubka ah.

Daafaca dhexe ee Liverpool, Joel Matip ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kooxdiisu ciyaartay laakiin waxaa laga yaabaa inuu taam u noqdo inuu ciyaaro kulankan.

Kooxda Reds ayaa sidoo kale ku rajo weyn in Mohamed salah uu ciyaari doono inkastoo dhaawac canqawga ah uu ka soo gaaray kulankii Leicester City.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda Old Trafford kula ciyaartay Liverpool, waxaana ay ka haysataa 3 guul iyo 2 barbaro, waa rikoorkeedii ugu dheeraa oo aysan Reds guuldarro kala kulmin iyadoo kul;a ciyaareysa Old Trafford tan iyo intii u dhaxaysay Febraayo 1991-kii iyo Maarso 2000, markaasoo aysan garoonkan kulan horyaalka ah uga adkaan 10 kulan.

>- Kaliya Manchester City (7) iyo Chelsea (6) ayaa guulo bannaanka ah horyaalka Premier League kaga soo gaaray Manchester United oo kaga badan Liverpool (5).

>- Tani waa markii ugu horreysay oo ay Liverpool wajahayso Man United kulan Premier League iyadoo hoggaanka u haysa horyaalka tan iyo bishii October 1996-kii, Man Utd Yaana markaas guul 1-0 ku gaartay garoonka Old Trafford iyadoo ay guushaas uga mahadcelinayaan David Beckham.

>- Liverpool ayaa hal guul u jirta inay barbareyso rikooorka guulaha xiriirka ah ciyaaraha sare ee horyaalka Ingiriiska ee ah 18 guul oo xiriir ah, taasoo ay horay u sameysay Manchester City intii u dhaxaysay August iyo December ee sanadkii 2017.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close