Dhaxal sugaha Sacuudiga oo Manchester United u soo bandhigaya dalab cusub oo uu ku iibsanayo kooxda

(Manchester) 20 Okt 2019. Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman ayaa doonayo inuu iibsado kooxda Manchester United wuxuuna miiska soo saarayaa dalab cusub.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror Mohammed Bin Salman ayaa qarka u saaran inuu soo bandhigo dalab cusub oo uu ku iibsanayo kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Dhaxal sugaha Sacuudiga ee Mohammed Bin Salman uu miiska u saari doono dalab ku kacaya 3 bilyan oo gini oo u dhiganta 3.89 bilyan oo dollar.

Kooxda Man United ayaa dhaxal-sugahan horay uga diiday labo dalab ee hore oo uu ku doonayay inuu ku iibsado kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford.

Lama oga haddii ay dalabkan aqbali doonaan qoyska iska leh kooxda Manchester United oo ay iska iibin doonan kooxda iyo inay markale iska diidi doonaan dalabkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close