Barcelona oo isku diyaarineysa in dalab soo jiidasho leh ay ka gudbiso Neymar Jr bisha Janaayo

(Barcelona) 20 Okt 2019. Shabakada caanka ah “Don Balón” ee dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Barcelona uu hogaaminayo madaxweynaheeda Josep Maria Bartomeu ay diyaar garoow ugu jirto sida ay ku diyaarin lahaayeen dalab aad u xoogan, si ay ugu bindhigaan Paris Saint-Germain oo ay ka doonayaan adeega xidiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Barca ayaa lala xiriirinayay inay dib ula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar Jr inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo 27 jirkaan uu doonayay inuu ka dhaqaaqo caasimada France madaama uusan ku faraxsaneyn.

Sida laga soo xigtay “Don Balón” kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa weli rajeynaya inuu mar kale kaga garab ciyaaro Neymar Jr garoonka Nou Camp, taasoo ku kaliftay maamulka Barca inay ka fekeraan in markale ay wadahadalo cusub la galaan dhigooda Paris Saint-Germain, si ay kaga qaataan adeega xiddigoodii hore ee reer Brazil xuuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Barcelona ay isku diyaarineyso inay bixiso qiimo dhan 100 milyan euro, lagu daray xiddigaha Samuel Umtiti iyo Ivan Rakitić si ay uga dhaadhiciyaan kooxda Paris Saint-Germain inay ka qaataan adeega Neymar Jr suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan, dalabkan ayaana ah mid aad u weyn, isla markaana ay suurtogal tahay in si weyn ay kaga fiirsato naadiga PSG.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close