Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Mallorca

(Madrid) 19 Oct 2019. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka La Liga ay caawa booqan doonaan naadiga Mallorca.

Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu liiskan ugu yeeray magacyada 19 ciyaartoy, iyaddoo aysan liiskan ku soo bixin xiddigaha Eden Hazard iyo Dani Carvajal oo nasiino ku maqan, taas bedelkeeda waxaa liiskan ku soo baxay Mariano Díaz.

Sidoo kale waxaa liiskan dhaawacyo kala duwan kaga maqan xiddigo ay ka mid yahiin Luka Modrić, Toni Kroos, Gareth Bale,  Lucas Vázquez, Nacho Fernández iyo Marco Asensio.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka caawa ee Mallorca ayaa waxay kala yihiin:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close