Real Madrid oo guuldaro niyadjab leh kala soo kulantay kooxda Mallorca oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Spain) 19 Oct 2019. Real Madrid ayaa guuldaro niyadjab leh kala soo kulantay kooxda Mallorca oo ay ku booqatay Estadi de Son Moix, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-0, kulankooda 9-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood ku kala nasteen 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Mallorca.

Daqiiqadii  7-aad Lago Junior ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa Mallorca wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Aleix Febas.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay kooxda Mallorca ugu awood sheegatay Real Madrid oo marti ugu aheyd Estadi de Son Moix.

SAWIRRO:

Gool FM:

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close