Juventus oo saddexa dhibcood kaga gaartay Bologna garoonkeeda Allianz, xilli Ronaldo uu shabaqa gaaray… + SAWIRRO

(Turin) 19 Oct 2019. Juventus ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay Allianz Stadium kooxda Bologna, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulankooda 8-aad horyaalka Srie A ee dalka Talyaaniga 2019/2020.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood ku kala mareen barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 19-aad Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa Juventus wuxuuna ka dhigay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 26-aad ee dheesha xiddiga kooxda Bologna ee Danilo ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ibrahima Mbaye.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo halis ah ee goolal loo filan karay, inkastoo Juve aheyd kooxda fursadaha ugu badan sameysay.

Daqiiqadii 54-aad Miralem Pjanic ayaa markale hogaanka u dhiibay Juventus wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay Juventus kaga adkaatay kooxda Bologna oo marti ku aheyd garoonka Allianz ee magaalada Turin.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close